Haweenka iyo Ciidanka: Sheekada G/Sare Ayaan Qarbe

Ayaan Qarbe, waxa ay ku dhalatay miyiga degmada Eyl ee ah degmo taariikhi ah oo mar saldhig u ahayd mid ka mida hoggaamiyayaashii  gumeysi la dirirka ee dalka Somalia Sayid Maxamed Cabdille Xasan, Eyl waxa ay dhacdaa badweynta hindiya waxa ayna ka tirsantahay gobolka Nugaal.

Aabaheed ayaa ahaa sarkaal u shaqeeya wakaaladii ganacsiga ee Soomaaliyeed xilligaas, waxay  qoyskeedu u guureen magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, in muddo ah oo ay halkaas deggnaayeen kadib waxaa mar kale ay u guureen degmada Jarriiban ee ka tirsan gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya. Dugsiga hoose iyo dhexe waxay kaga baxaday Jarriiban, laakiin mar kale ayaa aabbaheed Magaalada Muqdisho loo wareejiyey, halkaas oo ay Ayaan ku dhamaysay waxbarashadeedi dugsiga sare. Markii ay dhamaysay dugsiga sare ayaan waxay ka fekeraysay in ay doorato wixii ay mustaqbalkeeda noqon laheyd.

Ayaan waxa ay dooratay kulliyad ay waligeedba ku hamiyi jirtay aaminsanaydna inay dalka iyo dadkaba ugu adeegi karto, waxayna ku biirtay kulliyaddii tababarka ciidanka ee jaalle Siyaad. “Markii aan dhameeyey kulliyaddii ciidanka ee jaalle Siyaad waxa aan ka shaqo bilaabay magaalada Muqdisho, waxaa sidoo kale shaqo qaran la ii geeyey gobolo kala duwan oo waddanka ah” ayay tiri Ayaan.

Iyada oo u adeegaysa dalka, ayaa waxaa dhacay burburkii Soomaaliya iyo qaxii ka dhashay. Ayaan markan waa hooyo, waxa ay lasoo carartay carruur yar yar si ay u badbaadiso nololna ula raadiso, waxay tagtay magaalada Boosaaso. Burburkii ku yimid ciidankii ay ka mid ahayd ee xoogga Soomaaliyeed, iyo guud ahaan waddanka oo ku jirey xaalad dagaal, maaddaama aysan wadan karin shaqadii ay jeclayd, Ayaan waxa ay go’aansatay inay inay gasho shaqo ka duwan teedii hore.

“Waligey ma arag mana imaan magaalada Boosaaso, waxa aan lasoo qaxay labo caruura, waxaan go’aansaday inaan furto maqaaxi aan ka soo saaro nolol maalmeedka ilmaha, waxay ahayd marxaladdaasi mid aad u adag, laakiin waa ku guuleystey” ayay Ayaan noo sheegtay mar ay ka hadlaysay dhibta uu keenay burburkii qaranku.

Sannado dhowr ah kadib, waxaa la aasaasay Puntland oo ah maamul goboleedkii ugu horreeyey ee dalka laga dhisay, iyadoo la dhisay sannadkii 1998, Ayaan mar kale ayay dib ugu noqotay shaqadii ciiddannimo, waxa ayna ku biirtay ciidankii Daraawiishta ee Puntland. Muddo kadib markii ay ku jirtey ciiddanka Daraawiishta oo ay magaalooyin kala duwan ka hawl gelaysey, Ayaan waxa loo xushay 2004tii inay noqoto tababare ciidan, waxa ay qayb ka qaadatay tababarida in ka badan toban kun oo ciidan booliis ah oo ka kala yimid dhammaan gobollada Soomaaliya, kuwaas oo lagu tababarayay kulliyada Carmo.

Intii ay burburtay dawladdii dhexe ee dalka, shaqada ciidamadu ma ahayn mid  sahlan, gaar ahaan uma fududeyn inay haweeney noqoto askariyad ama ciidanka ka mid ahaato oo duruufo badan baa ku gedaannaa, waxaana layaab ku noqotay bulshada oo inbadan oo ka mid ahi aaminsanyihiin in aanay haweenay ciidannimo ku fiicnayn ee ay tahay inay gurigeeda joogto.

Marka laga reebo xaaladihii adkaa ee ay la qabtey guud ahaan ciidanka dalka, iyo dhibtii qaxa oo saameeyey qoys walba oo Soomaaliyeed, taliye Ayaan wax caqabad oo la xiriirta shaqsiyadeeda, shaqadeeda iyo guurkeeda midna ma wajihin intii ay shaqadaan ku jirtey. “Ninkaygu wuxuu ahaa aqoonyahan fahamsan xaaladaha aan ku shaqaynayay, inuu igu garab istaagay mooyee caqabadi igagama imaan” ayay tiri Ayaan, “nolosha hooyannimada laftirkeeda marka igama hor istaagin inaan shaqadayda ciiddannimo guto” ayay sii raacisay.

Xilligan la joogo, haweenku waxa ay qayb ka yihiin qaybaha kala duwan ee ciidanka, sidoo kalena waxa ay ka mid noqdeen hoggaanka ciidamada. Ayaan oo haysata darajada Gaashaanle Sare, ayaa ka mid ah haweenkaas, xilligana waa Madaxa Hoggaanka Xiriirka Dadweynaha iyo Xuquuqul Insaanka Ciidanka Booliska Puntland.

Darajada Gaashaanle Sare, Ayaan waxa ay qaadatay 7 sano ka hor, waxaana ay ku mutaysatay aqoonta iyo khibradda dheer ee ay u leedahay ciidanka, oo sida aan sheekadeedaba ku xusnay ay ka baxday kuna tababaratay kulliyaddii ciidanka xoogga Soomaaliyeed ee Jaalle Siyaad oo ah halka ay kasoo qalin jebiyeen inta badan ciidanka iyo saraakhiisa xoogga iyo booliska dalka Soomaaliya. Sidoo kale Ayaan,  intii ay shaqaynaysey waxaa ay tababartay gabdho badan oo boolis ah, kuwaas oo oo haatan ka hawl gala dhammaan xarumaha booliiska ee Puntland, Ayaan waxay ku hanweyn tahay hadda in ay la soo saaro gabdho badan oo dhallinyaro oo shaqadaan uga dambeeya maaddaama iyada iyo dadka ay isku jiilka yihiini hawl gab noqon doonaan.

Marka laga yimaado inay tahay sarkaal sare, Ayaan sidoo kale waxay qayb ka qaadataa difaaca xaquuqul insaanka si gaara haweenka lagula kaco tacaddiyada ka dhanka ah xaquuqdooda oo kufsigu ka mid yahay, waxaa ayna hubisaa oo u qareentaa in maxkamad la geeyo eedaysanayaasha loo haysto falalkaan, si haweenka dhibka tacaddigu soo gaaro caddaalad u helaan, falalka noocaan ahina bulshada dhexdeeda u joogsadaan, arrintaas waxa ay ku mutaysatay shahaado sharafeedyo kala duwan.

Gabagabadii, Ayaan Cabdullaahi Qarbe go’aankeedu waa inay ka shaqayso ciidanka iyo horumarintiisa, ayna soo saarto jiil cusub oo ciidan rag iyo dumarba leh, sidoo kalena ay dhiirrigeliso in haweenku ka mid noqdaan qaybaha kala duwan ee ciidanka kuna biiraan hoggaanka sare ee ciidanka dalka.