Hal’abuurkii Hanaqaaday : Sheekada Injineer Sahra Cabdikarim Ibraahim

Guud ahaan haweenka Soomaaliyeed waxa ay laf dhabar u yihiin nolosha malaayiin qof oo Soomaaliyeed, burburkii dawladdii dhexe ee dalka haweenku waxa ay dhexda u xirteen abuuritaanka hal-abuurro iyo ganacsiyo ay ku maaraynayaan nolosha qoysaskooda, ganacsiyadaasi waxay isugu jiraan kuwo yar yar oo ay ka bilaabaan meel aad u hoosaysa iyo kuwo dhexe, ganacsiyada ay haweenku hal-abuureen ayaa kaalin xoog leh ka qaatay shaqo-abuurka bulshada, koboca hantida dalka, harumarinta waxbarashada iyo koboca dhaqaalaha dalka.

Marka laga hadlaya ganacsiyada la xiriira tignoolajiyada iyo Internetka, uma badna haweenka Soomaaliyeed, laakiin Injineer Sahra Cabdikariin waxa ay ku dhiirratay inay abuurto mid ka mida shirkadaha ugu waaweyn ee bixiya adeegyada martigelinta iyo maamulidda websiteyada guud ahaan Soomaaliya, waa shirkad dhista mareegaha ay isticmaalaan shirkadaha, ururada maxalliga ah, dawladda, hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa samafalka ahba, Sahro waxa ay kasoo martay shirkaddaan dadaal badan oo ugu dambayn mira dhalay. Haddaba tani waa sheekada safarkii guusha ku dhammaaday ee injineer Sahra.

Ingineer Sahro Cabdikariim Ibraahim waxaay ku dhalatay kuna barbaartay magaalada Muqdisho ee caasiamdda Somalia,  markii waxay waxbarshada dugsiga sare ka qalin beddelatay oo ay dhamaysay dugsiga Axmed Gurey, Ka dib, waxay u ambabaxday magaalada Sanca ee dalka Yaman si ay halkaas uga sii wadato waxbarashadeeda heerka jaamacaddeed, Sahro oo ahayd gabar aad u firfircoon oo maskaxfuran, waxa ay ku biirtay Jaamacadda Sayniska iyo Tignoolajiyada ee Sanca ee dalka Yaman, waxayna ka baratay cilmiga Kombuyutarka (Information Technology) oo ay ka qaadatay heerka koowaad. Sahro waxa ay jaamacadda dhammaysay sannadkii 2005tii.

Sannad ka dib markii ay ka qalin jabisay Jaamacadda, waxa ay dib ugu soo laabatay Soomaaliya iyada oo dhidibbada u taagtay mid ka mid ah shirkadaha tiknoolojiyadda ee ugu weyn Soomaaliya. Jawiga ganacsi ee Soomaaliya oo markaasi ahaa mid ay adag tahay in maalgashi tiknoolojiyadeed laga hirgeliyo si gaar ah waa ku adkaa in fikirkaas qof haween ahi ku dhiirrato.

Samaynta shirkaddaa, ka mira dhalinteeda iyo soo kordhinta adeegyo aan hore dalka uga jirinba, Sahro waxa ay u martay waddo dheer, waxaa ay wajahday caqabado tiro beel ah, oo ay ka mid ahaayeen amni darro, fikrad xun oo laga aaminsan yahay ganacsiga noocaasi, caqabad shaqsi ahaaneed maaddaama ay ahayd haweenay, tijaabada markii ugu horreysey shaqo aanay hubin waxa ka soo bixi doona guul iyo guul daroba.

Sahro xiligaas waxa ay ahayd hooyo afar carruur ah haysatay, kama aysan rajo dhigin in ay ka miro dhaliso hal-abuurkeeda, hamigeeda ugu weynina wuxuu ahaa inay keento isbeddel saamayn keena, noqotana hooyo leh ganacsi iyada u gaar ah. Waxay la timid adkaysi badan, waxaynna muujisay dadaal nafhuris leh. Waxa ay ku adkaysatay in ay hirgaliso waxa maskadeeda ka guuxayay una diyaargarowdo oo wajahdo wixii halis ah.

2006-dii ayay asaastay shirakadda Somali Software and Technology Company (SOSTEC) iyada oo markaasi hal kombiyuutar ah dhigatay xafiis yar oo ay kireeysatay. Ganacsiga ay soo dhex gashay iyo hal-abuurka ay bilowdey waa mid ay keli ku tahay, marki dambena ay ku weheliyeen haween tiro yar, waxa ay dareensanayd in ay dhexda ka geli geli doonto suuq weyne raggu u badan yahay, si gaar ah tignoolajiyada oo ah aan haweenku u badnayn laguna diimayay xiliggaas, Sahro oo marxaladaas xasuusata ayaa tiri “Waxaa aan billowgiiba ogaa in aan galayo ganacsi ragga u badan yihiin, haseyeeshee, taasi igama hor istaagin in aan maalgashi ku sameeyo dhankaasi,”.

Muddo sannado ah gudahood, Sahra waxaa ay kobcisay shirkaddeeda oo ayna ka dhigtay shirkadda ugu weyn Soomaaliya ee bixisa adeegga tiknoloojiyadda. Waxa ay ka hirgelisay inta badan magaalooyinka waaweyn ee dalka oo ay ugu horeeyaan Muqdisho, Hargeysa iyo Baydhabo. Injineer Sahro kama aysan caajisin horumarinta hal’abuurkeeda, waxay sidoo kale samaysay hab la yiraahdo “Bilan Codes” oo gabdhaha si bilaash ah loogu baro qaabka loo abuuro barnaamijyada ku shaqeeya koombiyuutarrada iyo sida loo sameeyo app-ka taleefannada.

Hal abuurkii Sahra eek u bilowdey marxaladda adag oo Sahro kelida ku ahayd, maanta waa mid mira dhalay, shirkadda waxaa haatan u shaqeeya in ka badan 20 dhallinyaro oo xirfadleyaal ah, waxaa ayna bixisaa adeegyo kala duwan ee Tiknoloojiyadda sida martigelinta boggaga internet-ka iyo naqshadeyntooda, tebinta tooska ah, keydka xogta iyo tababarka Tiknoloojiyadda Macluumaadka (IT). Waxa ay sidoo kale bixisaa adeegyo ay ka mid yihiin in loo sameeyo shirkadaha ganacsiga iyo xarumaha caafimaadka barnaamijo xagga kombuyuutarka ah oo fududeynaya shaqooyinkooda sida xisaabaadka iyo maamulka. Sahra ganacsigeeda kaliya ma aha mid faa’ido doon ah, balse waxaa ay sidoo kale si dhow ula shaqeysaa dugsiyada iyo jaamacadaha si loo xulo loona tababbaro xirfadlayaasha Tiknoloojiyadda ee mustaqbalka. Sahro waxaa ay aaminsan tahay in dhallinyarada ay leeyihiin awood xoog leh oo isbaddel keeni karta.

Sahro waxaa ay sii wadaa inay mustaqbalka SOSTEC u sameyso qorshe, waxa ayna aad u jeclaan laheyd inay balaariso bixinta adeegyadda khaaska ah ee tiknoolojiyadda. “Degaankaan gudahiisa, in la helo qalab wax lagu fulin karo aad bay u adag tahay waana sicir qaali ah,” ayay tiri. “Waxaa aan jeclaan laheyn in lagu soo daro adeegyadda naqshadaynta sawirada iyo daabacaadda, hase yeeshee iibsashadda qalab heer sare ah ma ahan arin fudud, waana in laga fikiraa wax bedel u noqon kara.”

Sahro waxa ay aaminsan tahay in shaqo adag iyo waxbarasho tayo leh ay saldhig u yihiin guul laga gaaro nolosha. “Waxaan ku boorinayaa dhalinyarada, gaar ahaan haweenka dhalinta yar, in ay waxbarashada xooga saaraan,” Sahro ayaa intaas raacisay. “Aniga waxaan ka galay fasalkayga kaalinta labaad, markii aan arday ka ahaa jaamacadda. Waxaan doonayay inaan meel kasta oo waxbarasho kaalin sare ka galo sidaana way ii suura-gashay. Haweenka waxa ay noqon karaan duulliye-diyaarad, xirfadlayaasha kombiyuutarka, dhaqaatiir – wax kasta waa suuro-gal.”

Ugu dambantii, Injineer Sahro maanta waa ganacsade ku guulaysta abaal marinta tignoolajiyada, bare, hooyo iyo horumariye software. Waa tusaale nool oo ay maanta haweenka Soomaaliyeed kaga dayan karaan hal’adaygga, howlkarnimada iyo hirgelinta himilooyinka ka guuxaya. Waa halbeeg-tusmeeyaha tilmaanta u ah in haweenku ay gaari karaan heerarka sare ee nolosha, hirgelinta hal-abuurkooduna uu astaan u yahay harumarka bulshada.

Si gaar ah, Sahro waxay tusaale nool u tahay gabdho badan oo u dooran waayay waxbarashada tignoolajiyada iyaga oo ka cabsi qaba inay shaqo ku waayaan ama in haween ahaan aanay awoodin, ama bulshadu aanay soo dhoweyn doonin amaba uu tacabkoodu khasaari doono maaddaama oo xirfaddaan, ka ganacsigeeda iyo ku shaqeynteeduba aanay u sahlahayn iyaga gabdho ahaan marka Soomaaliya la joogo.