WIMISIOM oo Tababar Tababaranimo Ugu Qabtay Weriyayaal iyo Macalimiin Saxaafadeed Magaalada Garoowe

Ururka WIMISOM oo gacan ka helaya hay’adda National Endowment for Democracy NED ayaa magaalada Garoowe ee caasumadda Puntland kusoo gabagabeeyey tababar tababaranino oo soconayay muddo laba maalmood ah.

Tababarkan oo loo qabtay 10 qof oo isugu jira suxufiyiin mudo dheer ku jirey saxaafadda, tababarayaal iyo macalimiin ka howlgala machaddo saxaafadeed oo ku yaala degaano kala duwan. Dadkan la tababaray ayaa ka kala yimid goboladda Nugaal Mudug, Bari, Galgaduud iyo Sanaag.

Ujeedada tababarkan ayaa aheyd in kor loo qaado aqoonta iyo xirfadda qabanqaabinta iyo qabashada tababarrada saxaafadeed si loo hormariyo tayada weriyayaasha ka howlgala degaanada Puntland iyo Galmudug.

Agaasimaha WIMISOM Nasro Abdirisaaq Axmed oo soo xiritaankii tababarka la dardaarantay dadka ka faa’iidaystay tababarka ayaa ku boorrisey muhimmadda ay u leedahay qaadashada tababarkan  oo kale guud ahaan horumarinta saxaafadda si gaar ah kordhinta aqoonta iyo xirfadda weriyayaasha.

Sidoo kale waxa ay Nasro u sheegtay ka qaybgalayaashi tababarka in looga baahanyahay qof walba oo tababarkaan qaatay inuu aqoontii uu bartay uu uga faa’iideeyo suxufiyiinta ay isku xarumaha ka howlgalaan ama ay isku deegaanka yihiin iyagoo u qabanaya tababarro la xiriira aqoonta warbaahinta, si loo helo suxufiyiin ku dhaqma oo raaca anshaxa iyo mabaadi’da wanaagsan ee saxaafadda.

Sidoo kale, ka qaybgalayaasha tababarka ayaa ballan qaaday in iyaga oo ku salaynaya casharradii ay qaateen ay ka shaqayn doonaan kordhinta aqoonta saxafiyiinta Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ay isku deegaanka ka howlgalaan ama ay ka wada tirsan yihiin xarumaha warbaahineed.

Ugu dambayn,  kooxdaan loo tababaray tababarayaasha saxaafadeed ayaa markooda ka qaban doona deegaannada ay ka yimaadeen gaar ahaan xarumaha waraahineed ee ay ka tirsanyihiin tababarro ay kor ugu qaadayaan aqoonta suxufiyiinta kale ee ay shaqo wadaagta yihiin.