Ururka WIMI oo Garoowe tababbar usoo gabagabeeyey 30 suxufi

Garoowe, 26 June 2019: Ururka hal abuurka Haweenka Warbaahinta ee WIMI oo taageero ka helayey hay’adda ADRA Somalia, ayaa magaalada Garoowe tababar 4 maalmood soconayay usoo gabagabeeyey 30 suxufi oo isaga kala yimid dhammaan gobollada Puntland iyo Galmudug ee Soomaaliya.

Muddadii tabarkaani socday ayaa waxaa lagu bartay qaab loo tebiyo ama loo weriyo sheekooyinka iyo dhacdooyinka la xiriira carruurta, iyada oo la raacayo hab tebineedka waafaqsan anshaxa saxaafadda iyo kan caalamiga ah ee xaquuqda carruurta.

Si goonni ah waxaa diiradda loo saaray intii tababarku socdey casharro oo la xiriira guud ahaan dhawridda guud ahaan xaquuqada aadanada, mabaadi’da caalamiga ah ee werinta sheekooyinka carruurta iyada oo la ilaalinayo ilmaha, dadka dhibbanayaasha ah, dadka mahadhada qaba iyo anshaxa caalamiga ah iyo kan dalka u deggan ee saxaafadda.

Gabagabadii tababarka waxaa ka hadashay madaxa waaxda jinsiga iyo xaquuqda aadanaha Faadumo Maxamed, waxa ayna mahadcelin kadib kula dartaarantay suxufiyiinta tababarku usoo dhammaaday in wixii ay barteen dib ugu celiyaan xarumihii warbaahineed ee ay ka socdeen.

“Inaad dabakhdaan oo ku dhaqanteen casharradii aad halkaan ka barateen, waxa ay faa’iido weyn u tahay naftiinna iyo xarumihii warbaahineed ee aad ka socoteen waxaana idiin fududdaan doonta inaan isbeddel ku samaysaan qaab tebineedkiini la xiriiray werinta sheekooyinka iyo wararka la xiriira carruunta dhibaataysan” ayay tir Faadumo Maxamed oo la hadlaysey suxufiyiinta tababarka qaadatay.

Faadumo ayaa intaas ku dartay “Ururka Hal Abuurka Haweenka Warbaahinta ee WIMI waxaa uu dadaal weyn u gelayaa sidii loo samayn lahaa aqoon kororsiyo iyo tababarro faa’iido u leh korna loogu qaadayo aqoonta iyo tayada suxufiga ah gaar ahaan haweenka warbaahinta ku jira”.

Ugu dambeyn Faadumo waxa ay u mahadcelisey dhammaan suxufiyiintii kasoo qayb galay tababarka, gaar ahaan weriyayaashii meelaha fog fog uga soo safray si ay uga faaiidaystaan tababarkaas.