Kulan doodeed laga hadlay sababa kororka kusfiga iyo dilka ayaa lagu qabtay Magaalada Garowe.

Garowe: Ururka Women In Media Initiative WIMI oo taageero ka helaya hay’adda ADRA Somalia ayaa magaalada Garowe ku qabtay 16 May 2019 Kulanka WIMI Stage oo lagu soo qaatay dood cilmiyeed ujeeddadeedu ahayd sababaha kordhiyey kufsiyada dilku weheliyo iyo tacaddiyada ka dhanka ah haweenka ee  ka dhaca deegaannada Puntland.

Kulankan oo ahaa dood kooxeed waxaa  kasoo qayb galay ardaydayda jaamacadaha, ururada dhalinyarada, Haweenka, aqoonyahanka iyo qurbe joog. Waxaa lagu casumay dooddan inay ka hadlaan khabiirro ka kala socday Dawladda Puntland, Ururrada aan dawliga ahayn, oday dhaqameedyada, culimmada looyarrada iyo aqoonyahanno u dhuun daloola arrimaha tacaddiyada kufsigu ka mid yahay ee muddooyinkaan ka dhacayay deeggaannada Puntland iyo Somalia guud ahaanba.

Agaasimaha Fulinta ee ururka WIMI Nasro Abdirizak ayaa halkaas ka sheegtay muhiimmadda ay leedahay in la isugu yimaado lagana wada hadlo arrimahan tacaddiyada ah ee kusoo badanaya Puntland “Qof walba oo bulshada ka mid ah, waxaa masuuliyadi ka saarantahay in ay doorkooda ka qaataan sidii loola dagaallami lahaa kufsiga oo ahaa mid jirey laakiin hadda isu beddelay qaab aynnan wali arag, oo ah in qof la afduubo, la kufsado si wadareed, lana dilo waliba six un” ayay tiri Nasro oo halkaas ka hadashay.

Waxaa halkaan lagu soo bandhigay qodobbo sal u ah soo badashada kufsiyada gaar ahaan kufsiga dilka wata, qodobada ay khabiirradu soo bandhigeen waxaa ka mid ah, Daroogada, waalidka iyo carruurta oo aan xiriir wanaagsan lahayn marka guriga la joogo, daawashada aflaanta xun xun, ciqaab la’aanta dambiilayaasha kufsiga geysta, sharciga u yaal kufsiga Puntland oo aan shaqayn, dambiilayaasha oo qabiil lagu difaaco iyo gaabis ka jira xagga maxkamadaha Puntland iyo isticmaalka badan ee baraha bulshada oo sababi kara inay fududaato kufsiga iyo tacaddiyada kale ee loo geysto haweenka iyo gabdhaha.

WIMI Stage ayaa ah fagaare iyo hal abuur lagu soo bandhigo xaaladaha jira ee u baahan in laga hadlo, arrimaha bulshada, dhalinyarada, haweenka, layskuna weydaarsado aqoonta iyo hal abuurrada dalka lagu soo kordhiyo, qaybtanina waxay ahayd qaybtii koowaad ee barnaamijka.

Ugu dambayn, gabagabadii kulanka waxaa la isla qaatay in loo baahanyahay in la dhaqangeliyo xeerarka iyo sharciyada u yaal Puntland ee kufsiga isla markaana kiisaska noocaas ah aan lagu xallin hab qabiileed ee lagu xukumo maxkamadda iyo sharciga.