Tababarka Ku Saabsan Adeegsiga Badbaadsan Ee Internerka Oo Garoowe Uga Furmay 15 Gabdhood Oo Suxufiyiin Iyo Tababarayaal ah

Ururka WIMISOM oo taageero ka helaya hay’adda CIPESA sanduuqeeda African Digital Rights Fund (ADRF) ayaa tababar sadex beri soconaya magaalada Garoowe uga furay 15 gabdhood oo isugu jira suxufiyiin, tababarayaal iyo masuuliyiin ka socdey qaar ka mida ururada warbbaahinta ee haweenka, kuwaas oo ka kala yimid dhammaan gobolada dalka Somalia.

Muddada sadexda beri ah ee tababarkani soconayo waxaa lagu baran doonaa, aqoonta adeegsiga bedqaba ee internetka, waxaana xoogga la saari doonaa qaabka badbaadsan ee gabdhaha saxaafadda iyo ururada haweenka ee saxaafaddu u adeegsan karaan internertka xilliga ay ku jiraan shaqooyinkooda maalinlaha ah.

Sidoo kale inta tababarkani socdo waxa ay baran doonaan ka qayb galayaashu hab gudbinta tababaranimo iyo sidii ay u diyaarin lahaayeen tababarro noocan oo kale ah oo ka qabsooma dhammaan goboladii ay ka kala yimaadeen.

Tababarkani sidoo kale waxaa uu ka caawin doonaa dadka ka faa’iidaysanaya in ay aqoon dheeri ah ka helaan noocyada kala duwan ee adeegsiga internetka, adeegsiga habboon ee baraha bulshada, adkaynta iyo ka taxaddarida furaha sirta ah ee ee akoomada kala duwan ee internetka ee ay adeegsadaan iyo ka feejignaanta in laga jabsaro koontooyinka iyo emailada shaqsiga ah.

Tababarkan ayaa kusoo aadaya iyada oo adeegsiga internetku yahay mid muhiim u ah shaqo maalmeedka qof walba si gaar ah suxufiyiinta, isla markaana ay gabdho badan oo suxifiyiin ahi maalin walba la kulmaan handadaado, in laga xiro ama laga jabsado akoomadooda baraha bulshada  iyo in la qaato xogohooda oo lagu xad gudbo.