WIMISOM AWARDS 2023

WIMISOM waa hay’ad madax-bannaan oo maxalli ah oo ka shaqaysa horumarinta warbaahinta, u qareemitaan bulshada inteeda jilicsan, u qareemida xaquuqd aadanaha iyo horumarinta bulshada.

Waxa aannu sannadkii labaad qabanaynaa abaalmarin sannadeedka WIMISOM Awards 2023. Abaalmarinta WIMISOM Awards sannadkaan waxaa lagu tartami doonaa afar door oo warbaahineed oo kala ah Sheekadaii muuqaalka ahayd ee ugu wanaagsanayd, sheekadii maqalka ahayd ee ugu fiicnayd, sawirkii la qaaday ee ugu wanaagsanaa iyo warbixintii qoraalka ahayd ee ugu mudnayd sannadkan dhammaadka ah.

Dhammaan warbixinaha lagu tartamayo waxa ay ku saabsanaan doonaan dhinacyada horumarka, caafimaadka, tacaddiyada ka dhanka ah haweenka iyo gabdhaha, caddaalladda, isbeddelka cimilada, hal-abuurka ganacsiga dhallinyarada, nabadda iyo guud ahaan sheekooyinka la xiriira bini’aadamnimada ee saamaynta togan oo la taaban karo ku yeeshay bulshada sannadkaas.

Abaalmarinta WIMISOM waxaa u tartami kara qof walba oo suxufi ah (Rag iyo Dumarba), qofkaas oo soo saaray sheeko muuqal ah, maqal ah, qoraal ah ama ah sawir-qaade kana hawl gala Puntland.

Dadka soo codsada abaal-marinta waxaa kala saaraya oo xulaya cidda guuleysatay guddi madax bannaan oo aqoon iyo khibrad u leh mihnadda warbaahinta.

 Haddaba si aad usoo codsatid abaalmarinta WIMISOM Awards raac tallaabooyinkaan:

1. Qofku waa inuu soo diraa warbixinta uu ku tartamayo muuqaalka, maqalka/cod, sheeko qoraal ah ama sawirka uu ku tartamayo.

2. Qofku wuxuu ku tartami karaa hal qayb oo kaliya, sida warbixin maqal ah, warbixin muuqaal ah, sheeko qoraal ah ama sawir (Qofna hal qayb ka badan lagama aqbali doono).

3. Warbixinta ama sawirka uu qofku soo gudbisanayo waa inay ahaadaan kuwo tayo leh, cod ahaan iyo muuqaal ahaanba fasiix ah.

4. Warbixinta ama sawirka aad ku tartamaysid waa inay khuseeyan arrimaha bulshada saamaynaya sida waxbarashada, caafimaadka, xaaladaha bini’aadannimo, isbeddelka cimilada ama arrimaha tacaddiyada laxiriira iwm.

5. Sawirka aad ku tartamaysid waa inuu noqdaa sawir hadlaya ama sheeko ku dhex jirto.

6. Warbixinta ama sawirka uu qofku ku tartamayo waa in la baahiyey sannadka 2023 gudihiisa. (intii u dhexeysay 1 da Janaayo 2023 ilaa 30ka Nofeembar 2023)

7. Warbixinta waa in laga heli karo baraha bulshada, mareegaha internet-ka ama barnaamijyada codka lagu kaydiyo sida Soundcloud iwm.

8. Warbixinta aad ku tartamaysid haddii ay tahay muuqaal ama maqal waa in aysan ka badan 10 daqiiqo. Sheekada qoraalka ahna waa in aysan ka badan labo bog.

9. Xogta tartamaha iyo lingaxa (link) warbixinta ama sawirka waxaa lagu soo dirayaa foomka(Form) hoose ee lagu soo codsanayo ka qabygalka.

10. Waxaa la tixgelin doonaa oo keliya codsiyada cidda buuxisa dhammaan shuruudaha kor ku xusan.

Soo gudbinta codsiga ka qaybgalka tartanku wuxuu ku egyahay Talaada 26-da Diseembar, 2023

Xogtaada oo dhammaystiran ku soo gudbi/ku buuxi foomkaan hoose.

https://forms.gle/GPkKZ5KpEH5GXNAb8