Kulanka doorka warbaahintu ka qaadan karto joojinta tacadiyada haweenka oo ka dhacay Garoowe.

Garowe: 18 April 2019: Kulan dood wadaag ah oo uu soo qabanqaabiyey Ururka Hal Abuurka Haweenka Warbaahinta, Women in Media Initiative-WIMI oo ah urur u qareema haweenka warbaahinta ku jira iyo arrimaha bulshadaba ayaa xalay ka qabsoomay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Kulankan doodd wadaagga ah oo looga hadlayay Doorka haweenka suxufiyiinta ahi ka qaadan karaan la dagaalanta tacadiyada ka dhanka ah haweenka oo kufsigu ka mid yahay, waxaa kasoo qayb galay hablaha suxufiyiinta ah ee Puntland qaar ka mid ah gaar ahaan kuwa fadhigoodu yahay Garoowe.

Waxaa halkaas la isku waydaarsaday laguna soo bandhigay fikiro kala duwan oo la xiriira guud ahaan doorka warbaahinta siiba kan haweenka sufuxufiyiinta ah ay ka qaadan karaan joojinta iyo cirirbtirka xaaladaha Kufsi ee kusoo noq noqonayey muddooyinkii ugu dambeeyey deeggaannada Puntland.

Masuuliyiinta ururka Women In Media Initiative WIMI, ayaa ka sheegay inay garab istaagi doonaa gabadh kasta oo suxufiyad ah oo doonaysa inay samayso barnaamijyo la xiriira xaalladahan kufsiga iyo guud ahaanba dhibaatooyinka ka dhex jira.

Maaddaama warbaahintu door weyn ka qaadan karto la dagaalanka dhibaatooyinkan ururka WIMI ayaa ka codsaday guud ahaan saxaafadda puntland inay doorkooda ka qaataan cirib tirka dhibaatooyinkan soo noqnoqday, waxa kale oo WIMI ka codsadeen dawladda Puntland in caddaalad la taaban karo loo helo haweenka dhibtu gaartay.

Kulankaan gabdhaha suxufiyiinta ah ayaa kusoo beegmay iyada oo muddooyinkii lasoo dhaafay ay ka jireen Deegaanno ka mid ah Puntland kufsi wadareedyo iyo dil wada socda oo lagula kacay haween iyo gabdho yaryar, kii ugudambeeyeyna Garowe loogu geystey laguna diley hooyo Hodan Axmed.