WIMISOM FELLOWSHIP PROGRAM
Ma tahay weriye?
Ma tahay sheeko sameeye ama barnaamij soo saare?
Ma ka howlgashaa Puntland?
WIMISOM waxay taageeraysaa soo saarista sheekooyin wacyigelin ah oo ku saabsan: xuquuqaha dastuuriga ah, Dimoqraadiyaadda, Dowlad-wanaagga, maamul-baahinta, iyo doorashooyinka Puntland.
Maalgelintaan oo lagu bixinayo abaalmarin lacageed, waxay u furantahay weriyayaasha ka howlgala Puntland, waxaana loo galayaa tartan furan oo ay qiimayn doonaan guddi khuburo ah oo madax-bannaan.
Tartamayaasha waxaa lagu qiimayn doonaa qorshaha barnaamijka “script-ka” ay soo gudbiyaan oo ay ku jiraan mowduuca barnaamijka laga samaynayo, hal-abuurka, iyo dhinacyada ay ka geli doonaan sheeko samayntooda. (Angle of storytelling).
Waxaa taageerada loo sameynayaa saddexda (3) qof ee hela dhibcaha ugu badan ee qiimaynta guddiga.
Sheekooyinku waxa ay ku saabsanaanayaan wacyigelinta iyo kor u qaadidda fahamka bulshada ee xuquuqaha dastuuriga ah, Dimoqraadiyaadda, Dowlad-wanaagga, maamul-baahinta, iyo doorashooyinka Puntland.
Shuruudaha looga baahanyahay qofka soo codsanaya taageeradal barnaamij samaynta waa sidan:
- In uu yahay weriye ka holwgala Puntland.
- In uu khibrad u leeyahay samaynta iyo soo saarista sheekooyinka, oo u horay u soo saaray barnaamijyo noocan ah
- In uu soo gudbiyo codsi taageero barnaamij samaynta, oo uu ay ka muuqdaan mowduuca barnaamijka, taariikh nololeed kooban, iyo lingaxa (link) hal barnaamij oo muuqaal ah oo uu horay u sameeyay codsaduhu
- In uu soo gudbiyo qorshaha barnaamijka (script-ga) oo faahfaahsan
- Waa in uusan barnaamijka horay u samayn weriyuhu.
- Labadan dokumenti (codsiga, iyo script) waxaa lagu soo dirayaa emailka: [email protected]
- Codsigi waa in uu soo gudbiyaa ka hor 25-August-2025, saacadda 11:59 pm
Fiiro Gaar ah: Si aad u soo gudbiso Script-gaaga, fadlan, la deg (download) file-kaan hoose oo ah script tusaale ah, oo aad raaci doontid si aad u soo buuxisid script-gaaga. Qoraalka ku qoran file-ka aad la degeysid, waa tusaale, adigoo tusaalaha raacaya, ku soo buuxi qoraalka sheekadaada, oo ku soo dir email-ka kor ku xusan.