WIMISOM Awards 2025

WIMISOM waa hay’ad madax-bannaan oo maxalli ah oo ka shaqaysa horumarinta warbaahinta, u qareemitaan bulshada inteeda nugul, u qareemida xaquuqda aadanaha iyo horumarinta bulshada.

Waxa aannu sannadkii afraad qabanaynaa abaalmarin-sannadeedka WIMISOM Awards 2025. Abaalmarinta WIMISOM Awards sannadkaan waxaa lagu tartami doonaa seddex door oo warbaahineed oo kala ah Sheekadaii muuqaalka ahayd ee ugu wanaagsanayd, sheekadii maqalka ahayd ee ugu fiicnayd, sawirkii la qaaday ee ugu wanaagsanaa sannadkan dhammaadka ah.

Dhammaan warbixinada lagu tartamayo waa in ay ku saabsanaadaan sheekooyinkii saamaynta togan lahaa ee arrimaha bulshada ee sannadkii 2025.

Abaalmarinta WIMISOM Awards waxaa u tartami kara qof walba oo suxufi ah (Rag iyo Dumarba), qofkaas oo soo saaray sheeko muuqal ah, maqal ah, ama ah sawir-qaade kana hawl gala Puntland.

Dadka soo codsada abaal-marinta waxaa kala saaraya oo xulaya cidda guuleysatay guddi madax-bannaan oo aqoon iyo khibrad u leh mihnadda warbaahinta.

 Haddaba si aad usoo codsatid abaalmarinta WIMISOM Awards 2025, raac tallaabooyinkaan:

1. Qofku waa inuu soo diraa warbixinta uu ku tartamayo muuqaalka, maqalka/cod, sheeko qoraal ah ama sawirka uu ku tartamayo.

2. Qofku wuxuu ku tartami karaa hal qayb oo kaliya, sida warbixin maqal ah, warbixin muuqaal ah, ama sawir (Qofna hal qayb ka badan lagama aqbali doono).

3. Warbixinta ama sawirka uu qofku soo gudbisanayo waa inay ahaadaan kuwo tayo leh, cod ahaan iyo muuqaal ahaanba fasiix ah.

4. Warbixinta ama sawirka aad ku tartamaysid waa inay ahaadaan kuwo saamayn togan yeeshay, islamarkaana khuseeya arrimaha bulshada ee sannadka 2025.

5. Sawirka aad ku tartamaysid waa inuu noqdaa sawir hadlaya ama sheeko ku dhex jirto.

6. Warbixinta ama sawirka uu qofku ku tartamayo waa in la baahiyey sannadkii 2025 gudihiisa. (intii u dhexeysay 1 da Jannaayo 2025 ilaa 31ka Diseembar 2025)

7. Warbixinta waa in laga heli karo baraha bulshada, mareegaha internet-ka ama barnaamijyada codka lagu kaydiyo sida Soundcloud iwm.

8. Warbixinta aad ku tartamaysid haddii ay tahay muuqaal ama maqal waa in aysan ka badan 10 daqiiqo.

9. Xogta tartamaha iyo lingaxa (link) warbixinta ama sawirka waxaa lagu soo dirayaa foomka(Form) hoose ee lagu soo codsanayo ka qabygalka.

10. Waxaa la tixgelin doonaa oo keliya codsiyada cidda buuxisa dhammaan shuruudaha kor ku xusan.

Soo gudbinta codsiga ka qaybgalka tartanku wuxuu ku egyahay Sabri 28-ka Febraayo, 2026.

Fiiro Gaar ah: Sheeko soo saaristeeda ay taageero ku bixisay WIMISOM, tartan laguma geli karo. (Tusaale; sheeko ka mid ahayd barnaamijka KAABE Fellowship ama barnaamijyada kale ee ay WIMISOM taageertay soo saaristooda)

Xogtaada oo dhammaystiran ku soo gudbi/ku buuxi foomkaan hoose.

https://forms.gle/8B7tdhD7K5SZkc5V7