Abaalmarinta WIMISOM AWARDS 2022

Waxaan nahay hay’ad warbaahineed oo maxalli ah oo u qareenta guud ahaan saxaafadda gaar ahaanna haweenka warbaahinta, waxa aan xoogga saarnaa kobcinta aqoonta iyo xirfadda suxufiyiinta. Waxaan aaminsannahay warbaahin xor ah, ku dhaqanta mabaadi’da iyo anshaxa warbaahinta ee suubban, kuna hubaysan aqoon iyo xirfad ayaa horseed u noqon kara isbeddel togan oo dhinac walba.

Annaga oo ka duuleyna yoolka iyo qorshaha hay’adda, waxa aan markii ugu horreysey qabanaynaa barnaamij abaal-marin sannadle ah oo aan ku magacownay WIMISOM Awards. Abaalmarinta WIMISOM Awards waxaan ugu talagalnay in looga aqoonsado bulshada dhexdeeda isla markaanna loogu dabbaaldago wax soo saarka warbaahineed ee saxafiyiinta siiba gabdhaha warbaahinta.

Abaalmarinta WIMISOM Awards sannadkan 2022, waxaa la guddoonsiin doonaa seddex wariye oo haween ah oo lagu abaal marinayo seddex dhinac: Warbixin muuqaal ah, warbixin cod/maqal ah; iyo sawir-qaadid, kuwaas oo wax soo saarkooda warbaahineed uu yeeshay saamayn wanaagsan ama abuuray isbedel heer bulsho.

Ka qaybgalka tartanka abaalmarinta waxaa soo codsan karta gabar walba oo wariye ah oo warbixinno samaysa ama sawir-qaade ah kana hawl gasha Puntland. Dadka soo codsada abaal-marinta waxaa kala saaraya oo xulaya cidda guuleysatay guddi madax bannaan oo aqoon iyo khibrad u leh mihnadda warbaahinta dhan walba.

 Haddaba si aad usoo codsatid abaalmarinta WIMISOM Awards raac tallaabooyinkaan:

  1. Abaalmarinta sannadkaan waxaa soo codsan kara oo keliya gabdhaha warbaahinta ka shaqeeya ee ka hawl gala Puntland.
  2. Qofku waa inuu soo diraa warbixinta muuqaalka ah, ama warbixin maqal/cod ama sawirka uu ku tartamayo.
  3. Qofku wuxuu ku tartami karaa hal qayb oo kaliya, sida warbixin maqal ah, warbixin muuqaal ah, ama sawir (Qofna hal qayb ka badan lagama aqbali doono).
  4. Warbixinta ama sawirka uu qofku soo gudbisanayo waa inay ahaadaan kuwo tayo leh, cod ahaan iyo muuqaal ahaanba fasiix ah.
  5. Warbixinta ama sawirka aad ku tartamaysid waa inay khuseeyan arrimaha bulshada saamaynaya sida waxbarashada, caafimaadka, xaaladaha bini’aadannimo, abaaraha, xaalufka deegaanka, isbeddelka cimilada ama arrimaha tacaddiyada laxiriira iwm.
  6. Sawirka aad ku tartamaysid waa inuu noqdaa sawir hadlaya ama sheeko ku dhex jirto.
  7. Warbixinta ama sawirka uu qofku ku tartamayo waa in la baahiyey sannadka 2022 gudihiisa.
  8. Warbixinta waa in laga heli karo baraha bulshada, mareegaha internet-ka ama barnaamijyada codka lagu kaydiyo sida souncloud iwm.
  9. Xogta tartamaha iyo lingaxa (link) warbixinta ama sawirka waxaa lagu soo dirayaa  emailkan: [email protected]
  10. Qofku wuxuu soo qorayaa xogta shakhsiga ah sida magaca soo seddexan, goorta iyo warbaahinta laga sii daayay ama lagu baahiyay warbixinta ama sawirka, iyo faah-faahin kooban oo ku saabsan saamaynta ama isbedelka ay sababtay warbixinta ama sawirka uu qofku ku tartamayo.  
  11. Waxaa la tixgelin doonaa codsiyada qofka buuxiya shuruudaha kor ku xusan oo keliya.

Soo gudbinta codsiga ka qaybgalka tartanku wuxuu ku egyahay Khamiis 10ta Janaayo, 2023